@cudbi75: Ma ogtihiin Nabadda gudaha in ay ka wanagsan tahay waxkasta oo shaqsiga ku saabsan. Ma ogtahay iyada in aysan lahayn qalbi wax xakameen kara, u dulqaadan kara dhibaatooyinka nafsadeed, xamili kara caqabadaha aan sahlaneen ee soo wajaha, xitaa aan u adgeesan karin canaan yar. Bal qiyaas qalbigaas hadii uu cabursanyahay sanado aad u badan, qof nuucee ah bay gudaha ka noqon kartaa? Daqiiqad waliba waxay raadisaa in yar, meel dagan ama qof u nugul oo ay ku nafisto. Ma ogtahay xaaladahaas adag ee wajahayso in ay u baahantahay garab ay ku ooyso oo ay ku faarujiso waxa gudaheeda gubaya. Waxaa laga yaabaa qof in ay heshay is tiri waad ku dagi doontaa agtiisa, balse holoc cusub ku shiday laabteed, ugana dhaqaajiyay dhalaan yar oo u horseeday caburnaan iyo xanuun hor leh. Hadda qoftaasi ma waxay kula tahay in ay caafimaad qabto waxaa laga yaabaa in dhalaalka iyo dheeheeda aad yaabayso oo aad is leedahay bal hawraarsan dheh. Ayaan darrase waa ruux dilan, taahaya, ka damqanaya ereyada qaar oo laga yaaba kaftan ahaan in aad u tiri, dab aadan xitaa sawiran karin ayaa gudaheeda ka holcayo. Nafsiyan waxay u sameesan tahay ruux u baahan in si dagan loo dhagaysto, la dhayo boogaha ruuxdeeda ku duugoobay. Waxaa laga yaaba in fursad yar oo ay ku hadli lahayd aad ka hor istaagtay, ma ogtahay si kasta oo ay u hesho fursado kale aysan dib uga hadli karin waxyaabihii ay rabtay maalinkaas inay gudahaada ka faarujiso si caburnaanta saa'idka ah isaga nusqaamiso. Waxaa laga yaaba ilbiriqsiyo yar oo ay ku nafisto in ay u baahneed balse aad ka biyo diiday. Waxaa laga yaaba in ay agtaada daganaasho ka soo raadisay, ka waran hadii aad culees kale ku siyaadiso qalbigaas daalan, bal ma qiyaasi kartaa heerka caafimaadka qofkaasi gaarayo. Quluubta qaar waa sida dhalaan yar oo doonaya dhibta in laga dhowra. Waxaa laga yaabaa daalka nafsadeed ee haayo in uu daaweeyo daqiiqad inta gacanteed aad qabato oo ku tiraahdo ma caafimaad qabta, wax ku dhibaya amay jiraan, si dagan oo niyad sami ku jirtaana u waraysta. Ma ogtahay naxariis badan in dumarka ay bahan yihiin?? #Dumarka-naxariis u muujiya❤️
Ina mire
Region: SO
Monday 28 October 2024 10:06:39 GMT
Music
Download
Comments
𝐌𝐢𝐬𝐬 𝐜𝐚𝐫𝐚𝐛𝐢𝐲𝐨🔥 :
really🥺
2024-12-11 17:04:09
0
Dhawrsan :
Sorry 🥺🥺
2024-11-29 18:05:34
0
Mohamed :
🥹🥹🥹
2024-11-26 18:32:42
1
z🧡🥳 :
relly😳
2024-11-18 23:56:21
2
FaDWa✨️😩 :
really wllHi🥺
2024-11-08 17:38:16
1
🖤 :
Really🥺💔
2024-11-15 02:22:41
1
inajamal7 :
Really
2024-11-08 19:19:06
1
•𝗘ɴ𝗮 𝗔ʜ𝐦𝗲T𝘁𝘁𝘁•🦅 :
wlhi qof iga farxd bdna inu jirey umalyn myo lkin hder feker io walwl iga so Harry ba hbenkina anon ooyin mba sexdo💔ilhow culeyska qalpiga iga sran iga dulqaad 🤲
2024-11-06 09:51:40
97
To see more videos from user @cudbi75, please go to the Tikwm
homepage.