@xasan.daahir.weedhsame: Jacaylkiyo weerarkiisu Markuu igu waabariisto, Ee wacaneey u baahdo Weceensiga kaalmadaada, Haddad iga weecanayso Haddeer iga daa wanaaggan Hadhawto la waayi doono. Naftaad ku waraabinayso Wadaan lala guuri doono Ka weel dayo baa u dhaanta Waxaan lagu waari doonin. Markaa axdigiinu waafi Noqdaa dumar waakadaaye Markaan wadnahayga dhiibo Armaad igu wiirsataaba? Markaa waayahay adduunku Warmaha daran soo afaysto Haddaan dhib wadaagisteedu Korkaaga ku waajibaynin Walaacna la qaybsanaynin Haddeer ha i saarin wiishka Haddaan keliday wadaayo Haddeer wejigaasi fiican Hadduu i wareemi doono I sii tus bal weyrixiisa Markuu wehelkiisa gooyo Markaad gasho waadhka caashaq Ayey dumar waakadaane Intaad wadho waaxyahayga Hadhawto ha siin waraabe

Weedhsame
Weedhsame
Open In TikTok:
Region: SO
Friday 14 November 2025 13:09:00 GMT
3498
90
1
18

Music

Download

Comments

ambadmedia
ambadmedia :
🥰🥰🥰
2025-12-16 17:34:35
0
To see more videos from user @xasan.daahir.weedhsame, please go to the Tikwm homepage.

Other Videos


About