@kuko91_:

KUKO PINOKALAN💛
KUKO PINOKALAN💛
Open In TikTok:
Region: ID
Sunday 18 January 2026 05:53:32 GMT
35
6
0
1

Music

Download

Comments

There are no more comments for this video.
To see more videos from user @kuko91_, please go to the Tikwm homepage.

Other Videos

Subaxnimadii hore ee Sabtida, 26-dii Agoost2023, waxaa deegaanka Cowsweyne oo qiyaastii  20 KM u jirta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ka dhacay mid ka mid ah masiibooyinkii iyo guuldarrooyinkii ugu xanuunka badnaa ee soo mara Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed taariikhda dhow. Ciidanka dowladda oo tiradoodu gaareysay ilaa 2,000 oo askari ayaa ku sugnaa xeryo ay ka dhisteen deegaankaas kadib markii Al-Shabaab laga saaray, balse saacado gudahood ayuu saldhiggu isu beddelay goob xasuuq iyo dhiig badan ku daatay.  Kahor intaysan masiibadu dhicin, taliyihii hore ee deegaanka loo xil saaray ayaa si cad u diiday inuu ciidanka geeyo Cowsweyne, isagoo ku sababeeyay in goobtu tahay meel istiraatiiji ah oo si fudud loogu go'doomin karo ciidanka. kadib markii uu diiday amarka taliyaha  hoggaanka wasaaradda iyo taliska ayaa ka carooday, waxaana lagu riday xabsi si meesha looga saaro caqabaddii hortaagnayd amarkooda. Kadib waxaa si degdeg ah booskaas loogu magacaabay Gaashaanle Mukhtaar Xasan Tifow (Shaah Macabe), Taliyihii Guutada 25-aad ee Cumar Bin Khataab, kaas oo ciidankiisii Muqdisho ka soo kaxeeyay Kadibna geeyay  goobtii loogu talagalay. ururka al-Shabaab ayaa  adeegsatay xeelad saddex qaybood ka koobnayd. Marka hore, maleeshiyaadku kama aysan soo duulin meel fog, balse maalmo ayay si dhuumaaleysi ah iskugu  uruursanayeen hawdka iyo kaymaha ku dhow Cowsweyne, iyagoo ka faa'iideystay xog sirdoon oo dhulka ah iyo roondeyn la'aanta ciidanka halkaas ku sugnaa Marka labaad, waxay miinooyin ku aaseen waddooyinka isku xira Cowsweyne, Ceeldheer iyo Mahaas si ay u jaraan gurmad kasta oo dhanka dhulka ah, sidoo kalena waxay khalkhal geliyeen isgaarsiintii raadiyaha ciidanka xilligii weerarku socday. Marka saddexaad, weerarka wuxuu ku billowday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay (VBIEDs) oo lagu dhuftay difaacyadii hore, waxaana xigay boqolaal dagaalyahana oo ka tirsan kooxda oo gudaha u galay xerada iyagoo adeegsanaya hub culus iyo hoobiyeyaal lagu garaacay bartamaha saldhigga Qaraxyadii hore kadib waxaa goobta hareeyay qiiq iyo boodh, taas oo adkaysay isgaarsiinta iyo kala garashada jihooyinka. Dagaalku wuxuu isu beddelay iska horimaad fool ka fool ah, iyadoo rasaas culus iyo hoobiyeyaal la isku adeegsanayay, halka ciidankii gudaha ku sugnaa ay isku dayayeen inay adkeeyaan difaacyadooda inta ay sugayeen gurmad. Jawiga goobta ayaa noqday mid jahwareer iyo qalalaase badan leh. Markii dagaalku qarxay, ciidankii gudaha ku go'doonsanaa waxay muujiyeen iska caabin adag, waxayna codsadeen gurmad ciidan iyo taageero dhanka cirka ah, inkastoo la sheegay in diyaarado diyaar u ahaa howlgalka. Si kastaba ha ahaatee, gurmadkii lama dirin. Weerarkaas waxaa lagu dilay boqolaal askari, waxaana ku shahiiday Taliye Shaah Macabe iyo saraakiil kale oo dhowr iyo toban ah iyagoo difaacaya Dalka iyo daka Weerarkas kadib  waxaa jiray eedaymo culus oo loo jeediyay Cabdikaadir Maxamed Nuur (Madaxaa Nafuran), oo xilligaas ahaa Wasiirka Gaashaandhigga.   ehelada ciidanka iyo dadka falanqeeya amniga ayaa ku eedeeyay wasiirka iyo hoggaanka sare inay istiraatiijiyad xumo darteed ciidanka geliyeen goob dabin ah, iyagoo tusaale u soo qaatay xarigga taliyihii hore iyo maqnaanshaha gurmadka diyaaradaha. Arrintaas ayaa loo arkay dayacaad sahashay masiibadii Cowsweyne, taas oo sababtay inuu hakad galo wejigii labaad ee howlgalka ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday Galmudug.     WAXAA QORAY. IDAAWAQACA

About