@hassansaeed032: "من المؤمنين رجال..." Qubanahani waa sawirradii u danbeeyey ee caalimka weyn ee Shiikh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun. Waa sawirro la dheehanayo sheekha oo cirroobay. Sheekhu tan iyo maalintuu dhallin yaraa waxa uu ku foogganaa inuu soo gudbiyo, wax aakhiro iyo adduunba si uun u anfaca bulshada soomaalida. Waxa la dhihi karaa, waa kusoo barbaaray garabsiinta xaqqa iyo sheegista waddada toosan, waana ku cirroobay. Waa sharaf iyo lama helaan, inaad ku cirrowdo u adeegista diinka Illaahay. Eebbe, haku maamuuso if iyo aakhiraba, macallinka. Waxa aan qoraalka kusoo oodayaa meerisyadan oo ku jira maansada Daaci oo uu Nageeye Cali Khaliif sheekha u tiriyay 2023: " Gadhka iyo hadday labada daan; deebi ku cirrawday, Da’ khayrlaad ku gaadhaye Ilaah; taada derejeye, Intaad dibadda joogtiyo inta; dunida meerayso, Duugoobi maayee abaalkagu; sii durugye, Ifku waa dariiq laga socdoo; la isu dayn waaye, Kollay geeribaa loo dambayn; dawga aakhiro’e, Waan kuu duceeyaye Ilaah; daranyoo kaa dhawre, Daaraha Fardawsiyo Jannada; lagu durduursiiye!". #sheekhmustafe_xaajiismaaciil #Islaa#Daacim#ramadan2026🕌📿🤲#hassanthegreat.
Hassan the great!
Region: SO
Friday 13 March 2026 11:20:43 GMT
Music
Download
Comments
cbdulqadr 4545 :
2026-10-14 06:58:27
0
To see more videos from user @hassansaeed032, please go to the Tikwm
homepage.