@lamlaicuocdoi_016:

Minh Triet
Minh Triet
Open In TikTok:
Region: VN
Wednesday 06 May 2026 04:19:42 GMT
24758
1910
8
269

Music

Download

Comments

bong_xihjeu011
van anh🤍 :
lãnh phí là khi anh trao sai ng :))
2026-05-15 23:52:36
1
tranquockhanh.12
k đuổi dc t đâu :
hay ah🙃
2026-05-09 16:18:23
1
ditmedoi642
kp :
xin cap
2026-05-07 16:35:26
1
minhcuti124
Min🐳 :
Thế nên lăng nhăng 😁😁😁
2026-06-26 15:09:15
0
To see more videos from user @lamlaicuocdoi_016, please go to the Tikwm homepage.

Other Videos

Dhigaalku waa daawo ​Qoraalku waa daawo. Markaan dareemo madhnaan iyo in aan wax tebayo, wax baan qoraa. Markaan dareemo in aan buuxo, fikirro iga dhexguuxayaan oo ay tahay in aan isfudaydiyo dareen ahaan, wax baan qoraa.   ​Ma qasab baa in waxa aynuu qorayno ay dheef dadku kala baxayaan ama ay wax ka faa'idayaan?   ​Maya. Ha ka fikirin middaas. Haddiiba ay dhaco in aad muhiimad siiso sida u dadka u muuqan doona qoraalkaagu, waxaad lumisay ujeedkii. Waxaad ka baxaysaa jidkii yoolkaaga.   ​In warka aad waddaa dadka wada deeqo, ama aragtidaadu umiyaha u wada qudhqudhsantaa, waa wax aan la eegayn. Sidaas awgeed, fikir ha qorin ee dareen qor. Kaas baa ay dadku iska dhex arkayaan. Dareemayaasha ayaa mideeya nooleyaasha in ka badan inta garaadku isku keeno. Xataa makhluuqaadka aan lahayn caqli iyo garaad ay ku fikiraan, dareemayaasha ayaa aynu u sii mari karnaa. Dadkuna, gaar ahaan, maadaama oo ay yihiin xayawaan fikir ku ladhanyahay, mashaaciirta ayaa maanhaggooda ka weyn.   ​Miisaanka erey qorani yeeshaa, waa mid ka mug weyn inta maanso gole laga yidhi mahadho reebto iyo moorada farriin codku qaadaa inna marsiin karto. In yar oo la iskaga nafiso, ayaa neefta ka soo gurta qalbi ku xabbisnaa aamusnaanta.   ​Xaalado kaaga baahnaan lahaa furdaamin meel kale laga doono, ayaa xuruuf la isu geegeeyaa kaaga filmaan karaan. Farriin quruxbadan baa qof aad wanaaggiisa qiraysaa shidaal ka dhigan karaa, qaadhaanna aad farxaddiisa ugu darsan kartaa.   ​Xasuus aan duugoobin oo maanka kaa xaganaysa ama qalbiga kaa xadayntaynaysa, ayaad dabar lagu xidho uga yeeli kartaa. Sidii qof dhoof ku yimid dhul aanu hore u arag, ama haleelo eridhaban ilmiheedii u soo halislaysaa, ayaa aad hadh iyo habeen qalinka u halabsan doontaa markaas.   ​Qoraalka ha lagu nafiso; qoraalkan laftiisa waan ku nafisay    Haben wanaagsan Ehel iyo Axbaba

About