@juunijawaan: BISHAARO: WAXAAN BILOWNAY SAMAYNTA IYO DAABACAADDA GALKA SAABUUNTA! Hambalyo dhammaan xirfadleyda iyo wax-soosaarayaasha saabuunta qubeyska ee dalka! Xarunta Juuni Jawaan waxay si toos ah u bilowday adeegga qaabaynta iyo naqshadeynta galka saabuunta (Packaging), maantana waxaan si guul leh ugu shaqeynay macmiilkii ugu horreeyay! Eega bilicda iyo quruxda uu ku soo baxay galka ALORE Natural Soap ee maanta la diyaariyey! 🎨 Maxaan kuugu samaynaynaa dalabkaaga? Haddii aad tahay qof gurigiisa ama xaruntiisa ku soo saara saabuunta qubeyska dabiiciga ah, hadda looma baahna inaad walwasho: Magacaaga & Loogadaada: Waxaan kuugu naqshadaynaynaa magaca ganacsigaaga iyo astaantaada gaarka ah. Nooca Dhirta: Waxaan galka dushiisa ku sawiraynaa nooca dhirta aad saabuunta ka samaysay (sida Aloe Vera, Neem, Tumeric ama Cucumber). Naqshadda Kalarka: Adiga ayaa dooranaya midabka (kalarka) aad rabto inuu ku soo baxo dalabkaaga. "Qiimuhu waa mid aad u macquul ah oo qof kasta uu awoodo!" 🚀 HA ISKA FADHIN — BILOW GANACSIGAAGA MAANTA! Ma jiro wax ka qurux badan in alaabtaada gacantaada ku sameysay ay suuqa gasho ayadoo baakadaysan oo u eg kuwii dibadda laga soo dhoofiyey. Sidoo kale xarunta waxaa weli ka furan diiwaangalinta Dufcadda 2-aad iyo koorsooyinka bilaashka ah: Cosmetics-ka & Saliidaha Timaha: (Barashada samaynta saabuunta, hair food-ka iyo saliidda halkan laga helayo galkooda). Cilaan Saarka (FREE Course) & Makeup: Barashada Buugga 2-aad ee naqshadaha ugu dambeeyay. Harqaanka & Fashion Designer: Barashada goynta iyo tolidda dharka. 📍 Labada Xarumood: Bakaaraha & Ceelasha Biyaha (Waxaana u adeegnaa ardayda Online-ka). 📞 Si aad u dalbato galka saabuuntaada, naga soo waca: 0615 15 14 84 ama 0615 29 54 69. #JuuniJawaan #GalkaSaabuunta #AloreSoap #PackagingSomalia
JUUNIJAWAAN
Region: SO
Monday 25 May 2026 20:37:35 GMT
Music
Download
Comments
ASLI HAIR OIL :
wll waxan rabaa saabuta qolifkeede intee kahelaa hada Ayaan rabaaye
2026-07-29 12:41:41
0
SAFA _COLLECTION :
masha allah ❤️
2026-06-02 10:57:25
0
isra products :
🥰🥰
2026-05-29 08:22:53
0
ruquyo Xuseen :
🥰🥰🥰
2026-05-26 02:24:51
0
@isku filan :
🥰🥰🥰
2026-07-20 09:27:43
0
To see more videos from user @juunijawaan, please go to the Tikwm
homepage.