Wxan ku jeclan dona sida ugu quruxd bdn qof lo jeceldo Waxaan kuu noqonayaa dhegahaaga si aad uga maqasho raalligelinta ugu daacadsan erayada jacaylka ugu macaan iyo hadallada qalbiga dejinaya Waxaan kuu noqonayaa garabkaaga, saaxiibkaaga, iyo qofka mar walba ku xasuusiya Alle ka cabsiga Aan isku dhiirrigelino cibaadada, samirka, iyo wanaagga, si uu Alle garabkeenna u noqdo, nooguna barakeeyo jacaylkeenna Aan si wadajir ah u qaadanno safarka nolosha gacmahana is qabsanno marka ay adkaato iyo marka ay fududaato Hadafkeenna ha noqdo inaan ku guuleysanno ifka iyo aakhiro, oo jacaylkeenna uusan ku ekaan dunidan oo keliya balse uu noqdo jacayl ina mideeya ilaa Jannada, halkaas oo nolosha dhabta ah ee waaraysa ay taal🦁💗🫂