Qof kasta oo video-gan arkaya fadlan hal duco ii reeb. Waxaan leeyahay muraad aan rajaynayo inuu Ilaahay ii rumeeyoo. Ilaahay ha iga aqbalo aniga iyo idinkaba dhammaan waxa wanaagsan ee aan qalbiga ku hayno. Aamiin 🤍🤲
Ma ku fikirtay maalin inay tilaabo kasta oo aad qaado noqon karto tii ugu dambaysay? 🌿Binu-aadamku wuxuu raadiyaa nabad, laakiin nabadda dhabta ah waxay ku jirtaa oo kaliya in la xzo oo loo hoggaansamo Midka inoo abuuray habaaska illaa cirka. Noolashu waa fursad gaaban, waxaana ugu qiimo badan waxa aan aakhiro u sii haysano.Waxaan maanta iyo maalin kasta oo aan noolahay markhaati ka ahay xaqiiqada ugu weyn ee kawnka:
أَشْهَدُأَنْلاَإِلَٰهَإِلاَاللَٰهُوَأَشْهَدُأَنَمُحَمَدًا رَسُولُاللَٰهِ
(Waxaan markhaati ka ahay in uusan jirin Ilaah xaq u leh in la caabudo marka laga reebo Allah, waxaan kaloo markhaati ka ahay in Nabi Muxammad yahay Rasuulkii Allah).
Diinta Islaamku maaha kaliya magac aan sheegano, waa jidka nolosha, waa xaqiiqada quruxda badan ee wadnaha ka soo go'da. Fafinta khayrka iyo dadka oo loo yeetho jidka Allah waa xil ina wada saaran—xataa maanta oo ay tahay kaliya inaad kalmad wanaagsan ama xasuusin khayr ah faa
Ilaahayow! Naga yeel kuwii jidkaaga khayrka ku fafiya, dadka caawiya, dambiyadoodana loo dhaafo. Qof kasta oo qoraalkan akhriya, Ilaahay xusuustiisa wadnihigiisa ku beer, kana dhig kuwii Jannada Firdowsa kula kulma Nabi Muxammad (CSW). Aamiin 🤲❤️