@hargeisawateragency: Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay dhammaystirtay dhigista beeb cusub oo lagu xidhay Xaafadda Jameecada Sare ee magaalada Hargeysa. Hawshan waxay qayb ka tahay qorshaha Wakaaladda Biyaha ee lagu hagaajinayo laguna xoojinayo biyaha, si adeegga biyuhu si hufan oo joogto ah u gaadho xaafadaha kala duwan ee caasimadda Hargeysa. Xafiiska Warbaahinta iyo Isgaadhsiinta Wakaaladda Biyaha Hargeysa