@somaaliahistoric: Dafcad 3-aad, mid kamid ah 4-tii Dafcadood ee dhidibada loogu taagay Ciidamada Qalabka Sidda, Dafcadani oo ka koobneyd Afar iyo Tobban Layli Saraakiil oo ku guuleystay in ay kaalmaha hore ka galaan tartan Bilooyin socday oo Aqoon, Jimicsi iyo Caafimaad isugu jiray oo uu Maamulkii Xoriyad Gaarsiinta ee Guumeystihii Taliyaaniga u qabtay Boqolaal Dhalinyaro Soomaali ah oo laga soo xulay Ciidankii Booliska ee Xiligaasi jiray ayaa Gu'gii 1954-tii Horaantiisi Barashada Aqoonta Militiriga loogu diray Kulliyadda Tababarada Saraakiisha ''Cesano" ee Magaaladda Rooma ee Caasimadda Dalka Taliyaaniga. Dafcadani waxaa ka Horreeyay Laba Dafcadood oo Gu'yaalkii 1952-dii iyo 1953-dii Tabbabar loogu diray Dalka Taliyaaniga, Waxaana ka dambeysay Dafcad Afaraad oo 1956-dii la diray, taasi oo noqotay tii ugu dambeysay ee uu Maamulkii Guumeystuhu Dalka Dibaddiisa ugu diro Tabbabar Militiri maadaama uu sheegay in uu joojiyay dhismihii Ciidankii Militiriga ahaa ee uu soo waday ilaa iyo 1950-kii isagoo u sababeeyay in uu Dhaqaale u waayay. Dib ugu soo noqoshadii Dalka ee Dafcadani Dabayaaqadii 1956-dii, Waxaa ay la kulmeen Dhismihii Ciidankii Militiriga ahaa oo joogsaday, Labadii Dafcadood ee ka horeysay ee Tabbabarka Militiri qabay na Boolis loo rogay. Muddo ku siman Afar Gu' kaddib, 12-kii Bishii Abriil 1960-kii markii ugu horreeysay Sooyaalka Dalka iyo Daddka Soomaaliyeed, Waxaa ay yeesheen Ciidan Militiri ah oo Xor ka ah Guumeystayaashii Reer Yurub ee Dhulka Soomaalida isaga kala dambeeyay, Ciidankaasi waxaa lagu aas'aasay Kow iyo Labaatan Sarkaal oo kamid ahaa Afartii Dafcadood ee uu Maamulkii Xoriyad Gaarsiinta ee Guumeystihii Taliyaaniga kusoo Tabbabaray Dalkiisa. 14-kii Layli Sarkaal ee Dafcadii 3-aad ay ka koobneyd ayaa kala ahaa: [1] Sareeye Guud Maxamed Cali Maxamed Samatar. [2] Sareeye Gaas Cabdalla Maxamed Faadil Maxamed. [3] Sareeye Guuto Salaad Gabeyre Kadiye Dhiblaawe. [4] Sareeye Guuto Maxamed Faarax Xassan Cilmi (Caydiid). [5] Sareeye Guuto Maxamed Cali Maxamed Sharmaan. [6] Sareeye Guuto Nuur Cadoow Cali Guulleed. [7] Sareeye Guuto Abuukar Xassan Weheliye Maxamuud (Suulaleey). [8] Sareeye Guuto Abuukar Gacal Muudeey Maxamed. [9] Sareeye Guuto Maxamed Jaamac Xarbi Maxamuud. [10] Gaashaanle Sare Ibraahim Rooble Warfaa Abtidoon (Doonyaale). [11] Gaashaanle Sare Cilmi Nuur Tarambi Xirsi (Tareey). [12] Gaashaanle Sare Xassan Maxamuud Sabriye Faarax (Gaamuur). [13] Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Maxamed Cismaan (Baarqab). [14] Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Yuusuf Axmed Xassan (Yeey). XIGASHO: CABDALE GOLCAD@Cabdullaahi Golcad 🇸🇴🙏
Mustafe
Region: SO
Saturday 19 September 2026 06:20:07 GMT
Music
Download
Comments
المهندس اسد عبدلله الكثيري عبد :
HADUU KU JIRIN MOHAMED SIYAAD BARRE LOOMA DHAMA
2026-09-20 06:51:53
0
xajiadankoofi :
waxa ka nool xasan gaamuur oo ku nool America
2026-09-19 10:45:20
0
Rihaan Abdi :
🥰🥰🥰 Alow ku naxariiso
2026-09-19 23:14:54
1
Abdifatah Ali :
Sare yare Gas Maxamed Siyad Bare
2026-09-20 16:47:36
2
Inaa ifiiye 👮🏻♂️🇸🇴🎶🇸🇩 :
Allha unxristo
2026-10-13 22:02:33
0
ADAN CARES :
hesti igu dhalisay inan cidanka xoga ka mid noqdo
2026-09-27 18:58:04
1
Sadiya Hassan :
Maxamed Siyad Barre Xusen Kulmiye Maxamed Cali Mire,Cabdulle Barre,Cismaan Sokor etc way ka horreyeen
2026-10-10 16:53:35
0
GOLCAD🇸🇴🙏 :
Legendry🙏
2026-09-19 09:25:16
0
Maxamedkhadar cabdi Xasan :
awayi aabo hayi cabdi xasan good 😳
2026-10-05 03:05:06
0
abdirahan :
2026-09-20 07:46:32
0
ismahanali2 :
allaha u wada Naxariisto
2026-09-21 22:28:59
1
Nucmaan shiiq@123 :
wa 14 sargaal e uguhoreysay cidanka x.g.dalka somaliya
2026-09-20 12:21:30
0
muusa cadan gmEldom1993 :
wansaLama somaLi sidaytahay subax iyo gaLaba
2026-09-19 22:23:52
1
kornaylka :
guulayta
2026-09-21 11:58:52
1
Abdifatah Ali :
Gashanle sare Maxamud Mire
2026-09-20 16:45:45
1
Abdifatah Ali :
Sareeye guud General Dau’ud Cabdule Xirse
2026-09-20 16:50:09
1
muusa cadan gmEldom1993 :
saxa sadki dhaxaLka
2026-09-19 22:29:09
1
muusa cadan gmEldom1993 :
saxa sadki dhaxaLka
2026-09-19 22:26:54
1
Amina Mohamed Ali :
❤️❤️❤️❤️🥰🥰
2026-09-19 13:28:15
0
anaswaceesle :
💪👍👍👍👍👍
2026-10-16 04:10:53
0
sultan :
dadka deggen koonfurta waddanka la kala qaybiyey baa naxaya markii ay arkaan raggii sharafta lahaa Alle ha u wada naxariisto dhammaan 🥰🥰🥰🥰
2026-10-02 20:52:24
0
QosolDiid :
alow unaxariiso
2026-10-31 14:13:42
0
welcome2024 :
Aamiin aamiin aamiin yaa Allah allow nabad ka yeel dalkeena oo inta xuun naka qabo 🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🙏🏾
2026-09-19 10:11:05
0
cali dhagane :
2026-09-19 13:33:49
0
HaMze⚡ :
ilahayaw wadanaxariso rag wacay ahaayen sharafta dadkoda iyo dalkoda dhawray soomaliyeey maragii dalka usoo halgamay ayaynu dhalo kadawana mise qoriga iyo booshka ayaynu qadanaa dalkena ayaynu gacanta wasakhaysan kasarna
2026-09-20 06:31:07
0
To see more videos from user @somaaliahistoric, please go to the Tikwm
homepage.