@magooleey.11: Caawa waxaan doonayaa, inaan dhex tego markii aan ahaa "Magoosha nool" waayahaygii wanaagsanaa ee wacnaanta ku caanka ahaa, waxaan dib u milicsanayaa maalahaygii laabtaydu nadiifta ahayd, qalbigayguna xariirta ahaa, maskaxdayduna u diyaar ka ahayd aqbalitaanka xaaladkaste! Xilliyadii jacaylku ii fududaa, aaminaaddu hal qabsigayga ahayd, cafisku wax qabadkayga aan ugu jecelahay ahaa, niyad jabku iga xaraanta ahaa! Waxkaste oo wanaagsan aan guntiga ku qaadan jiray, gebi jiritaanka xumaantana aanka tiray maankayga! Waxaan markale bookhanayaa, khaanadihii qalbigaygu uu ukala samaysan jiray ibnu'aadamka! Cafi wuu khaldami karaaye, u sabir wuu kabaxayaaye, u dulqaado wuu is bedelayaaye, u naxariiso wuu u baahanyahaye, u hur wuu u qalmaaye, ku kalsoonoow wuu ku jecelyehee! Dhammaantood waxay u eegyihiin kuwo dugoobay, caaryada korkooda saaran, dhaska iyo daxalka guudkooda ka muuqda ayaa ku tusaya inaysan hadda noolayn! Waa dareemo dhammaantood dhintay si iskood ahna u burburay! Aynu eegno dacalkii cudurdaarka! Waxaan arkayaa inay halkani cidlo tahay meeyay cudurdaarkii? Ma joogo! Waxaan filayaa inuu baaba'ay xilligii aan cadaadiska ku saaray wixii awoodisa ka baxsanaa! Haa dabcan immisa jeer ayaanku khasbay hawl aantiisa ahayn? Immisa jeer ayaan indhotirkayga inuu aqbalo ku khasbay oo uu habboonkiisi waayay?! Aheey cudurdaar iga raalli ahoow maan garaynin qiimahaaga iyo habboonkaaga midna! Weli waxaan raadinayaa albaabkii rejada! Ku aaway rejooy, maxaad uga maqantahay?! Ma waxaad ka dashay sugitaanka! Mise waxaad dareentay in aanan mudnayn sugitaanka? Miyaan kugu darsaday dhaawacyadii ay naftaydu la daala dhacaysay mise si iskaa ah ayaad adiguna iiga burburtay! Maxaa lagu falayaa qof aan sugitaan mooye xalkale haynin? Maxaan wakhtiga ugu luminayaa mid aan diyaar u ahayn is bedel? Mid laga tagay oo doonaya sugitaan aanu dammaanad u haynin xilliga imaanshaha? Wakhti hayga lumin fadlan! Wan ogahay kolayto intaas ayay iska leedahay qalbiga. Waayehee! Nafyahay siddee ayay macne kuugu samayn karaan adigoo waxkaste oo macne lahaa kugu dhex burbureen? Sideed se u rabtaa inaad macaan ka dhadhamiso macnaha! Adigoo huridaadi lagugu dilay, dareen bixintaadi lagugu qudh gooyay laguu sheegay in halgankaagu uusan adiga kuu dhaafsiisanayn! Hubaal dhaawaca ayaaka ka fudud dilmada dareennadaada! Bal eeg hadda waxba macne kuuma sameeyaan, goobihii aad jeclayd imaanshahooda, lugtii kaymaha, ciyaarti roobka iyo kabankii qaraamkaba waxba kuma dareentid! Kii aad wehelkiisa kusoo hiran jirtay, agtiisa murtaaxa iyo maxabbada ku dareemi jirtay, iyo kii aad arragiisa necbayd, agtaada ka ahaa mid aad ku farxin agjoogiisu wayku siman yihiin! Naxariisihii, hadalki wanaagsanaa, hadyadihii aad jeclayd, ubaxyadii casaanka u badnaa, heesihii dhegaysigoodu ku beer qaadi jireen, iyo danayntii ibnu'aadamka waxbaa kuma dareentid! Waxkaste oo laguu huro waxay kula yihiin wax caadiya, waxba kulama waynadaan, waxba kama heshid, waxba kama raadisid raaxo iyo jacayl waxkaste waxay kula yihiin sidii dhisme dumay oo lagaa doorsaday dhisme cusub! Just waad nooshahay, jiidista naqaska ay sambabaadaadu ku noolyihiin ayaa ah kan ugu dareenka dhaw eed ku ogaanayso noolaanshahaaga. Nooloow intaad neefsanayso nabaadiinno dareemahaygii geeriyoodayoow, iga nasta majiri doonto dhibaato kale oo naftaydu idiin soo jiidi doonto markale! Macasalaama. September/26

Magool.
Magool.
Open In TikTok:
Region: SO
Saturday 26 September 2026 15:33:11 GMT
42143
4767
41
318

Music

Download

Comments

dhamaystiran3394
shukرi🫠💕 :
iga qabo magooley❤️
2026-11-02 10:36:14
13
boqorka__dareenka
🔥 𝗡𝗢𝗨𝗥 𝗩𝗜𝗕𝗘𝗦🔥😌🎵 :
https://vt.tiktok.com/ZSpkGqSUA/
2026-11-08 00:48:14
0
camaarbookh
￴ ￴ ￴ ￴ ￴ ￴ ￴￴ ￴ ￴ ￴ :
Magoolay duni wacan baad ka timid, Jir Waligaaba
2026-10-27 05:58:34
4
ugbaad.jano1
ugbaad jano🧭 🇨🇭🇨🇭 :
wali dunida maad baranin intaa ciil la ooyso hada marka dadka hor joogto aad Dhoola cadayso😭
2026-11-03 21:08:24
5
abwaan_ikrad__yare
ikrad yare 👑 :
waxaan ahay dadka qoraalka iyo akhriskaba xiiseeya waloow aan marmarka qaar akhriska aan ka gaabiyo . waxaan bogan ku bogaadinayaa inanta leh qoraalka iyo sida ay u xarago qorto , sida ay dareemaha u qaadaa dhigto , sida uu qoraalkeedu u yahay mid ku haqab tiraayaa . nabadiino nafyahay waxaan kuu rajeenayaa halka ugu sareeya ee aad gaadhi karto inshaalaah; guulo badan
2026-09-27 09:22:15
23
ggggggj220
Sahra•✨ :
Wali dunida maad barane.💔
2026-10-25 21:45:28
3
jojaaz_96
JOJAAZ :
🫡👸🎁
2026-11-07 23:23:35
0
2.4.4.3.443
Zamzm💜ᥫ᭡ :
Qoralkaaga waa cajiib!❤️
2026-11-06 22:38:29
0
sihaamadam2
Sihaam 🤍 :
Mar kle dib..isku Aqriyee manta..🌚🤍
2026-10-27 14:19:06
2
simplyliv....s1
Bedria.ᥫ᭡ :
Noolow intaad neefsanayso.!❤️‍🩹
2026-09-26 15:59:51
3
xaashi122
xaashi ⏲️❤️🤎 :
aadbaad farshaxan utahay abaayo 🔥👏
2026-10-12 18:28:20
1
abdiladifbillow41
Abdiladif Billow :
sabarka waa muhim ee yaan lagadalin
2026-09-27 19:20:15
2
nasiima.qurux
♡Hamda♡ :
ala magooleey maxaad duni kale nagaysay
2026-09-29 16:35:21
1
sharaf12r
mango 🥭 :
waan ka helay qormaadan sis waxad mooda inay aniga iga hadalayso
2026-09-27 11:54:37
1
ismadhibe51
Valadamir Puting :
🥰 soo dhac qoraalkii inantii gobanimada badnayd ee wllshy ahayd magool in building
2026-09-26 15:37:07
1
kaldeeqaiprahim
Nadia♧ :
Nabaadinno dareemadaydii geeriyodayow.!❤️‍🩹
2026-10-01 23:17:08
1
mushtak447
Deggan💕. :
cajiib!
2026-09-26 16:37:23
1
saedmohamedliban1
saed moh Liiban🔰🦍 :
2026-11-07 16:33:00
0
ugbaadayaan1
magool💜🍂 :
sami😭
2026-11-02 12:40:23
0
ahmedadhan
Rock 🪨🎯 :
screenshot never shows the phone is broken💔
2026-10-27 03:58:11
0
teamlazco23
W0061 :
alhamdulilaah.
2026-11-06 19:47:41
0
pulmonary34
OHmed❤️✌🏼 :
Heesta iyo adigu wa isleedihin❤️✌🏼
2026-11-07 17:21:16
0
xamdibilan025
XAMDA ❤️ :
magooley 🥹🫶🏻
2026-11-06 13:26:09
0
ina.mohamed120
ina mohamed :
Nabaadiino dareemadaydii geeriyodayow.😭❤️‍🩹
2026-11-06 07:10:37
0
moh.mk48
Moh. :
wxaadba moodaa inaad ani ii Hadleyso waana ka helay qoraalka iyo farshaxanka ka muuqdaba ismaba ogeyn xili aan dhameeyy qoralka guuleyso abayo magool✌️✍️🙏
2026-10-22 10:33:43
0
To see more videos from user @magooleey.11, please go to the Tikwm homepage.

Other Videos


About