@brahin2026: Jacaylka dhabta ahi ma aha hadal qurux badan oo keliya, ee waa dareen qalbiga ku qotoma oo qofka ka dhiga farxaddaada, degganaanshahaaga iyo riyadaada ugu weyn. ❤️🥹 Qofka aad si dhab ah u jeceshahay wuxuu qalbigaaga ku yeeshaa meel aanu qof kale buuxin karin. Ubaxu wuu engegi karaa, quruxduna way is beddeli kartaa, balse jacayl daacad ah oo qalbiga ka yimid ma fududa inuu dhammaado. 🌹🫂❤