@aarkajacaylka: Haddii aan ku tabo, ilmada indhahayga kama celin karo, waayo qalbigaygu weli ma aqbalin maqnaanshahaaga. Inkastoo aad i dhaawacday, aadna ii tustay xanuun aanan kaa filayn, haddana qalbigaygu ma awoodo inuu joojiyo jacaylkii uu kuu qaaday. Mararka qaar waxaan is weydiiyaa sababta aan weli kuugu ooyo adigoo ahaa qofkii ilmada igu beeray. Waxaan isku dayaa inaan ku illaawo, balse xusuustaadu mar kasta ayay dib iigu soo noqotaa. Habeenkii marka aan keliday ahaado, xanuunka aan dadka ka qariyo ayaa iigu daran. Waan kuu xiisay adigoo i dhaawacay, waxaan u ooyaa qof aan laga yaabo inuu xitaa dareemin sida aan u burburay. Waxaase iigu xanuun badan inaan weli qalbigayga kaaga hayo meel aan cid kale la wadaagin, adiguna aad iga tagtay anigoo weli ku jecel. Ma garanayo goorta aan kaa bogsan doono, balse waxaan ogahay in qofkii aan qalbigayga oo dhan siiyey uu noqday qofka ugu badan ee qalbigayga dhaawacay. 🥹💔#
Aarka jacaylka💔🥺
Region: SO
Friday 30 October 2026 20:01:46 GMT
Music
Download
Comments
DACAD :
😭😭
2026-10-31 06:27:47
0
nuuroo càmara siacida. 9988 :
🥰🥰🥰
2026-10-30 20:21:34
0
To see more videos from user @aarkajacaylka, please go to the Tikwm
homepage.