Love
Waxaan rabaa inaad ogaato inaad tahay qof qalbigayga meel gaar ah ka degay qof aanan si fudud ku helin haddana aanan jeclayn inaan si fudud ku waayo.
Waxaan jeclahay sida aad qalbigayga u dejiso sida hadalkaaga yar uu maalintayda u beddelo iyo sida fikirkaaga oo keliya uu wejigayga dhoolla-caddayn ugu soo celiyo. Mararka qaar erayo kuma cabbiri karo waxa aan kuu qabo balse qalbigaygu wuxuu og yahay inaad ii tahay qof qaali ah.
Waxaan rabaa jacayl aan ku dhisnayn hadal keliya balse ficil daacadnimo iyo kalsooni leh. Jacayl aan labadeennu ku dareenno inaan is haysanno xitaa marka noloshu nagu adkaato. Waxaan rabaa inaan kula wadaago farxaddayda murugadayda iyo riyooyinka aan mustaqbalka ka leeyahay. 66
Haddii Alle nasiib inoogu qoro inaan wada joogno waxaan jeclaan lahaa inaan noqono laba qof oo is doorta maalin kasta is qadariya is ilaaliya qalbiyadoodana aanay wax yar kala fogeyn. Adigu waxaad tahay qof aan jeclaan lahaa inaan la dhiso xusuuso qurux badan jacaylkooduna uusan ku ekaan maanta oo keliya balse sannado badan sii waar
2026-11-01 22:49:23
0
To see more videos from user @user5519047975509, please go to the Tikwm
homepage.