@samawadde2: โ€œ๐‘ต๐’‚๐’‡ ๐‘บ๐’Š๐’…๐’Œ๐’‚๐’๐’Š ๐‘ด๐’‚โ€™ ๐‘บ๐’‚๐’Ž๐’Š๐’“๐’•๐’‚๐’‚ ๐‘ด๐’‚ ๐‘บ๐’–๐’ˆ๐’•๐’‚๐’‚ ๐‘บ๐’†๐’…๐’Œ๐’†๐’†๐’… ๐‘ด๐’‚๐’’๐’‚๐’‚๐’.โ€ โ€” ๐’€๐’‚๐’Ž-๐’€๐’‚๐’Ž. _______________________ Qalbigu wuxuu hoy u yahay riyooyin aan weli rumoobin, himilooyin aan la hanan iyo hilow aanay sannaduhu tirtirin. Aadmigu wuxuu berri ka fishaa wax aanu maanta haysan, hase yeeshee waayuhu mararka qaar waxay kala fogeeyaan hammiga iyo xaqiiqada, waxayna qofka baraan in aanay wax kasta oo la jeclaado aan la hanan karin. Waxaa jira fursado la tebay, nasiibyo la sugay iyo nolol uu qofku jeclaan lahaa inuu ku noolaan lahaa, balse ku hadhay mala-awaal, Hungowgu waa xanuunka filasho burburtay, hilowguna waa raadkii waxa qalbiga ku weynaa ee aan la gaadhin. Haddana, bisaylku waa inaad wixii kaa baaqday cashar ka barato, wixii ku dhaafayna xusuus uga tagto, adigoon rajada berri aasayn. Waayo, ma aha in hammiga oo dhami rumoobo si noloshu qiimo u yeelato, mararka qaar, garashada waxa aan la hanan karin ayaa ah guusha ugu weyn ee qofku gaadho. _____________________________ Sugitaan walbaa maaha sadkii kaa maqnaa, seegitaan walbaana maaha surin aanad ka bixi karin.! ๐Ÿง 

ZแดœสŸแด…แด€แด€ษด ๐Ÿ‡ฌ๐Ÿ‡ง
ZแดœสŸแด…แด€แด€ษด ๐Ÿ‡ฌ๐Ÿ‡ง
Open In TikTok:
Region: SO
Sunday 01 November 2026 14:33:22 GMT
1064
117
0
24

Music

Download

Comments

There are no more comments for this video.
To see more videos from user @samawadde2, please go to the Tikwm homepage.

Other Videos


About