@1.0.622: Qalbiga inaa ruux u dhiibo hadaan dhib kusoo dareemay. dareenkan soo dhaafi waayay adaa iga soo dhaqaaqiye. 🥹❤️❤️ Runtii ma garanayo sida aan kuugu sheego waxa qalbigayga kaaga jira balse waxaan rabaa inaad ogaato inaad tahay qof aan si gaar ah u jeclaaday. Mararka qaar erayadu way iga yaraadaan marka aan rabo inaan sharaxo sida aad qalbigayga ugu weyn tahay. Joogitaankaaga hadalkaaga iyo sida aad ii fahanto waxay ii leeyihiin macne aanan qof walba ka helin. ❤️ Waxaan jeclahay inaan kula wadaago wax kasta oo noloshayda ka dhaca inaan kula sheekaysto xitaa marka aanan wax gaar ah hayn oo aan ku dareemo inaad tahay qofka aan qalbigayga u furfuran karo. Ma doonayo jacayl hadal keliya ah waxaan rabaa mid ficilkiisa laga dareemo. mid ay ku jiraan daacadnimo kalgacal isfaham iyo tixgelin. Waxaan rabaa inaad mar walba ogaato inaan ku jeclahay inaan ku qadariyo iyo in dareenkaygu aanu ahayn mid aan iska leeyahay. Waxaad qalbigayga ku leedahay meel gaar ah waxaana jeclaan lahaa inaan mar walba noqdo qofka ku fahma ku dhageysta ku farxad geliya dareenkaagana qiimeeya. ❤️🥹♾️ #fyp #viral #viralvideo #foryou #foryoupage