@abdulsalamsanei: Qofka ku neceb mar walba ma aha qof aan waxba kaa arag; mararka qaar nacaybku wuxuu ka dhashaa marka qofku arko wax uu isagu jeclaan lahaa inuu leeyahay. Sidaas darteed, ha ku mashquulin inaad dadka oo dhan qanciso ama aad caddeyso qiimahaaga. Ku soco jidkaaga, ilaali akhlaaqdaada, hana u oggolaan hadallada dadka kale inay hoos u dhigaan kalsoonida aad naftaada ku qabto. Qofka dhab ahaan naftiisa yaqaan uma baahna inuu dadka kale la tartamo ama uu nacayb ugu jawaabo nacayb. Guusha ugu quruxda badan waa inaad noqoto qof ka wanaagsan kii aad shalay ahayd. Haddii ay jiraan dad kuu arka inaad ka wanaagsan tahay, ixtiraam iyaga, laakiin ha u beddelin kibir; u beddel dhiirrigelin aad ku sii horumariso naftaada.