@nomad_soul: Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa qalbigayga ku soo badanayay aqbalidda qadarta iyo oggolaanshaha xaaladaha aan ku jiro. Waxaan naftayda ku qanciyay in wax walba oo adduunkan yaalla ay iska dhammaan doonaan. Waxaan naftayda xusuusiyay in Ilaahay wax walba xikmad aanan fahmi karin uu ka wato oo wax walba ay iska hagaagi doonaan. Waxaan naftayda u sheegay in laga yaabo in llaahay cashar muhiim ah uu xanuunka igu barayo ama xanuunkan xanuun ka weyn uu igaga difaacayo. Haddana saasoo ay tahay, waxaan ahay banii aadam, oo weli dhaawicii i soo gaaray iyo xanuunkiiba waan dareemayay. Mararka qaarkood ilmada i soo dhaafta ayaa waxay ku darsamaysay biyaha dhanaan ee badda. Waxaan ka quustay in aan joojiyo ilmadaa iyo xanuunka qalbigayga haya. Waxaan bilaabay in aan salaad walba oo aan tukado aan Ilaahay ka baryo in uu ii dhib yareeyo, in uu qalbigaygu agbalo gadartiisa, iyo in uusan qalbigayga raacin wax uusan u qorin ama aan wax khayr ahi ugu jirin. Buuga Ebyan nuqul kamida. #hargeisa #somali #username #foryourpage #trend