@barosharciga: Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Cadaaladda DDS, Mudane Jabarti Cumar Nuur, oo isaguna kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in ilaalinta iyo horumarinta khayraadka duurjoogtu ay door muhiim ah ka qaadan karto koboca dhaqaalaha Deegaanka Soomaalida. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan sharciyeed oo sugan, kaas oo lagu ilaalinayo, laguna maamulayo khayraadka duurjoogta, si loo xaqiijiyo ka faa’iidaysigiisa sharciyeysan oo waara.