@stoicism311: waxa kugu habboona in aad ku noolaato istareex. Waxa kugu habboona in aad ku noolato nolol quman. Waxa kugu habboona in aad hesho wixii aad xaqa u lahayd. Waxa kugu habboona naxariis waxa kugu habboona jacayl. Waxa kugu habboona shaqo qiimahaaga dadaaleed u dhigmata. Waxa kugu habboon waxkasta oo qof dadaalay ku habboona. Waxa kugu habboona helida qofkaagii saxda ahaa, xiligii saxda ahaa. Waxa kugu habboona ruux ku hanta, nafta ku hibeeya, hawlaha aduuna kula hawaleeya. Waxa kugu habboona, u hayaanka halka laabtu ku hamido. Waxa kugu habboona nasasho. Waxa kugu habboona in aad hesho waxkasta oo aad dadaal naf hur iyo habeen dhaxba gelisay. Waxa kugu habboona, helida himilooyinkaaga. Waxa kugu habboona ku noolanshaha nolol  hooyo leh, oo u naxariis badan sida hooyo. Waxa kugu habboona maqalka dhawaaqa Aabbe oo ku sheegaya nolosha xeerarkeeda. Waxa kugu habboona qosolka ilme aad dhashay oo aad sida hees laxan wacan dhagaha ugu cusho. Waxase, waxkasta ka habboon in aad dadaalayso adiga oo weli la'a wixii aad u dadaaleysay. Noloshu sidaasi oo dhan umma habboona. Waa halgan aan u sahlaneyn cida habboonan ka raadisa, keliya waxa ay u habboonata cida ku mahadisa waxa ay markaasi haysato siinawada dadaalka. #sad #qoraalo #viralvideo #somalitiktok #sheeko

stoic MAN
stoic MAN
Open In TikTok:
Region: SO
Wednesday 04 November 2026 06:28:35 GMT
1288
66
2
14

Music

Download

Comments

garaado_cali0
Garaado_Cali 🪷 :
Cajiiib waye.
2026-11-04 10:43:09
0
waliyullah_baaruud
Waliyullah Baaruud 𐒁𐒛𐒇𐒓𐒆 :
Si farshaxan leh ayaad u falkisey saaxiib, ashqaraar weeye.
2026-11-04 07:10:14
0
To see more videos from user @stoicism311, please go to the Tikwm homepage.

Other Videos


About