@bbcnewssomali: Trump oo ka hadlay guusha xisbiga Dimuqraadiga iyo Ilhaan Cumar oo mar kale la doortay. Trump ayaa ka hadlay guusha xisbiga Dimuqraadiga ee doorashooyinkii dhexe ee Mareykanka, xilli Ilhaan Cumar oo uu muddo dheer si weyn u dhaliili jiray ay mar kale ku guuleysatay doorashada. Madaxweynaha Mareykanka ayaa hambalyo u diray Dimuqraadiyiinta, isaga oo qiray inay shaqo wanaagsan qabteen, isla markaana sheegay in guusha ay gaareen ay ahayd mid ay muddo dheer hiigsanayeen. Wareysi uu khadka taleefanka ku siiyay telefishinka Fox News, Trump ayaa sheegay in natiijada doorashadu xoogaa la yaab ku noqotay, balse uusan u arkin dharbaaxo ku dhacday madaxweynenimadiisa. @fardowsa_hanshi ayaa soo jeedinaysa. #elections#somalitiktok #usa #usa🇺🇸 #usaelections #ilhanomar