@abukarabdalla4: Booqasho Shaqo – Degmada Muuri Waxaan booqasho shaqo ku tagay deegaanka Muuri ee Degmada Awdheegle, Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo si diirran ay iigu soo dhaweeyeen Guddoomiyaha deegaanka, odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada deegaanka. Intii aan booqashada ku guda jirnay, waxaan soo kormeeray goobaha loo qorsheeyay in laga dhiso xarunta maamulka deegaanka iyo saldhigga booliska. Waxaan bogaadinayaa soo dhaweynta wanaagsan ee bulshada Muuri, waxaana rajeynayaa in dadaallada lagu horumarinayo maamulka, amniga iyo adeegyada bulshada ay miro-dhal noqdaan. Muuri waxay mudan tahay horumar, nabad iyo maamul wanaagsan
Abukar Abdalla Bashir
Region: SO
Saturday 07 November 2026 09:13:00 GMT
Music
Download
Comments
qadijo qalanjo🙈❤️ :
mashalha deegaankeygii hormaray
2026-11-07 11:30:36
0
cuudey xuseen islaawe :
guulaysta
2026-11-07 10:54:21
0
Sar kaal🇸🇴🇪🇷 :
Guuleyso gadomiye
2026-11-07 09:31:07
0
To see more videos from user @abukarabdalla4, please go to the Tikwm
homepage.