@dowladdahooseeebosaaso: Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, Dr. @Abdirahman Abdullahi Ali oo uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Deegaanka Degmada, Gaashaanle Kaarshe Maxamuud Kaarshe, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Taraafikada PL, G/Sare Cabdifitaax Siciid Saleebaan, Taliyaha Taraafikada G. Bari, L/Xle Maxamed Sanweyne Cismaan iyo saraakiil kale oo ka tirsan laanta Taraafikada. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha lagu yaraynayo saxmadda gaadiidka ee magaalada, halkaas oo laga gaaray guulo waaweyn, iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqaynta hay'adaha amniga ee ku aaddan yaraynta jaamka iyo baarkinada sharci-darrada ah ee waddooyinka. Masuuliyiinta ayaa sidoo kale si wadajir ah dardaaran ugu jeediyey ciidanka degmada iyo kan Taraafikada, iyaga oo kula dardaarmay xoojinta wada-shaqaynta labada ciidan, ilaalinta shuruucda waddooyinka iyo dhowrista nidaamka waddo-marista iyo baarkinada.#dowladahoosebosaaso #foryoubage #viral #bosaaso
Dowladda Hoose ee Bosaaso
Region: SO
Saturday 07 November 2026 13:07:50 GMT
Music
Download
Comments
Abwan standar :
2026-11-07 15:31:04
0
sahro872 :
2026-11-07 18:04:01
0
suldamadii ciiso ruush :
🥰🥰🥰
2026-11-07 13:11:08
0
suldamadii ciiso ruush :
2026-11-07 13:11:21
0
mohamett💙 :
wax kle ma rabtaan sawirkii lee rabtaan sharci darada ahaa🤣🤣
2026-11-07 14:07:44
0
Simran Abdi Ali :
🥰🥰🥰
2026-11-07 15:17:59
0
taliye crbey :
🥰🥰🥰
2026-11-07 13:12:28
0
Fahmo :
🥰🥰🥰
2026-11-07 17:38:41
0
To see more videos from user @dowladdahooseeebosaaso, please go to the Tikwm
homepage.