@garowe_online: #DIB_UMILICSI: Xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan magaalada #Beledweyne ayaa dib usoo nooleysay hadal hore oo uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha wakhtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya, #XamseCabdiBarre, kaas oo Ugaaska Guud ee beesha Xawaadle iyo ciidamada Macawiisleyda ee taabacsan horey ugu sifeeyay cudurka Ebola. Arrintan ayaa mar kale soo baxaysa iyadoo xaaladda Beledweyne ay sii kacsanayso, isla markaana ay jirto walaac laga qabo halka ay ku dambayn doonto xiisadaha magaalada. #newsgaroweonline