@nur_abdulkadir63: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa buugaag hagaya maamulka iyo habsami-u-socodka shaqada Dowladaha Hoose ku wareejisay Dowladda Hoose ee Degmada Baraawe. Munaasabadda wareejinta buugaagtan waxaa hoggaaminayey Guddoomiyaha Degmada Baraawe, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, waxaana goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeennada Degmada Xoghaayaha Dowladda Hoose iyo Agaasime-waaxeedyada kala duwan ee Dowladda Hoose ee Degmada Baraawe. Buugaagtan ayaa muhiim u ah tayeynta maamulka, horumarinta habraacyada shaqo, xoojinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyo kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Dowladda Hoose. Wareejintan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha Dowladaha Hoose, si loo helo maamul hufan, nidaamsan oo awood u leh inuu bulshada u adeego si tayo leh. Agaasinka Waaxda Arrimaha Bulshada Degmada Baraawe wuxuu soo dhoweynayaa dadaallada lagu horumarinayo tayada maamulka iyo shaqada Dowladda Hoose, isagoo sidoo kale uga mahadcelinaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha doorkeeda ku aaddan taageerada iyo tayeynta Dowladaha Hoose. #somalitiktok #somalia #xamarcadey🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴 #nuurlucky #nuurlucky63
Nur Abdulkadir
Region: SO
Sunday 08 November 2026 15:27:48 GMT
Music
Download
Comments
ciiltire.shaxusen :
🥰🥰🥰
2026-11-08 15:44:51
0
Queen fatma 👸💞🌹 :
🥰🥰🥰
2026-11-08 15:52:44
0
To see more videos from user @nur_abdulkadir63, please go to the Tikwm
homepage.