@caubehu_01:

𝐇𝐨à𝐧𝐠 𝐓𝐡à𝐧𝐡 𝐉𝐨𝐛
𝐇𝐨à𝐧𝐠 𝐓𝐡à𝐧𝐡 𝐉𝐨𝐛
Open In TikTok:
Region: VN
Saturday 15 August 2026 01:32:15 GMT
182
4
0
0

Music

Download

Comments

There are no more comments for this video.
To see more videos from user @caubehu_01, please go to the Tikwm homepage.

Other Videos

Qadiyadda ONLF waa qadiyad ubuc u ah Soomaalida, waana mid ka saraysa qadiyadaha qabiiliga ah ee Soomaalida, waana mid ku qotonta ujeedada iyo qiyamka fanka ee isku haynta iyo walaalaynta bulshada Soomaaliyeed ee gobta ah. Waa mid ka mid ah waajibaadkayga ka fanaan Soomaali ahaan.  Laga soo bilaabo maalintii ergaygii Boqorad Victoria, oo magaciisu ahaa Sir James Rennell Rodd, iyo Xayle Salaase aabihii, Ras Makonnen, heshiiskii dhulka Ogaadeen ama Soomaali Galbeed Xabashi lagu siiyey ee la dhaho Anglo-Abyssinian Treaty 1898, gobannimada Soomaalidu waxay ahayd mid kala dhantaalan. Intaas waxa u dhintay una qaxootiyoobay malaayiin, sida ay Soomaali dhulkaas barwaaqada ah ee ka maqan u hanan lahayd. Kasoo bilaw WSLF ilaa iyo isku daygii guuldarraystay ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ’77, ilaa iyo halgankii u dambeeyey ee ONLF, waxa Soomaali kaga dhintay malaayiin, waxa asay u qaaday malaayiin dumar ah, waxa u agoomoobay kumannaan ciyaal iyo maxaas ah. Hase yeeshee, wixii halyay dhintay, wixii dumar asay qaaday, iyo wixii duni halaagsantay, wax gocasho ah ma leh, maadaama aan la gaadhin yoolkii ahaa, sida reer Falastiin, in dhulka la inaga qaado laguna beero umado kale. Heestani waxay abaar u tahay iyo niyad-dejin xuskaas, waxaanan leeyahay intii ay tiri shahiidad Saado Cali Warsame ee: “Ogadenia way xoroobi.” Gabdhaha Soomaali Galbeedna waxa leeyahay intii uu yiri abwaan Axmed Sheekh Jaamac, 1978, gabaygiisii “Qumman”: “Qaxootiga mar uun baad ka bixi qaaliyeey beriye Qiso iyo mar uun buu ahaan qiil usoo maraye Mar uun baad anfaca qaadan aan gaalo kuu qorine Mar uun baad dhulkaad qaayibtay oo qawle tegaysaaye Qabri-dahare mar uun baad xarago qoorta lulaysaaye Dhagaxbuur qabkaaga iyo marbaad qun u hagoognaane Qarijiqo tareen qalalax leh oo qiiqayaa mari … Adoo qooxan oo sabaryar oo waxan la quudhayna Qiyaas socod talaabada adoo qabac ka siinaya Qalaalada iyo hawlaha dhismaha yaad ka qayb geliye Qumaneeey! Qurumaa ku dumay qaanta kaa maqane Qubuuraha waxa u galay dartaa qoomam farawayne Rag baa kuu qisaasane yaree qulubka laabtaada.” Saalah Sanaag. #ogadenia #ONLF

About